KU SOO DHAWAADA BIRIIJKA CUSUB EE HARGEISA
 
 
   Jumhuriyadda Somaliland

Bixinta Qandaraaskii Dhisida Biriishka labaad ee Caasimadda Jumhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa

Shirkad wadaniya oo lagu magacaabo ADCON ayaa ku guulaystay qandaraaski lagu bixinayay dhismaha Biriishka labaad ee caasimada Somaliland ee Hargeysa ka dib markii dhawr kulan oo qorshayn iyo qiimayn ku saabsan arrintan laga yeeshay labadii bilood ee u danbeeyay.

Fadhi ay yeesheen guddiga dhisida Biriishka 2aad ee Hargeysa taariikhdu markay ahayd 10/01/2007 ayaa lagu go'aamiyay in la sii daayo tartankan qandaraaska lagu bixinayo dhisida biriishka laga bilaabo 11/01/2007 lana soo xereeyo qiimaynta 4/02/2007. Waxa tartankan ka qayb galay afar shirkadood oo isku soo hadhay markii qiimayn hordhac ah la sameeyay shirkadihii soo xereeyay waraaqihi ka warbixinayay aqoonta, tayada iyo qalabka . Laba ka mid ah shirkadahaasi ka soo baxay qiimayntii hordhaca ahayd waxay ahaayeen wadani halka mid kale ahayd jayniis (Chinese ) takelana ahayd itoobiyan (Ethiopian).

Waxa qiima sheegtoodii soo xereeyay sedax shirkood oo ka mid ahaa afartii qaatay waraaqaha lagu tartamay. Sadexdaa oo kala ahaa mid wadani iyo labadii ajanabika ahaa halka shirkadii afraad ee wadaniga ahayd ka hadhay tartanka.

Waxa waraaqihii sadexda shirkadood ee tartamayay lagu furay shir ay iskugu yimaadeen guddigii dhisida biriishka taariikhdu markay ahayd 4/02/2007. Qiimaha ay shirkaduhu soo bandhigeen waxay kala ahaa yeen sidan:

1.        ADCON                                        $1,168,261.00
2.        SAYT ENG.                                  $1,627,084.00
3.        China Construction Company         $2,260,608.50

Ka dib markay wakiiladii shirkaduhu ku saxeexeen waraaqihii ay soo kudbiyeen shirka hortiisa ayaa loo saaray gudi farsamo oo ka koobnayn lix farsamo yaqaan (Engineers) si ay u soo hubiyaan saxnimada qiimaynta ay soo gudbiyeen shirkaduhu una soo gudbiyaan aragtidooda midda ay doorbidayaan. Waxa loo balamay kulan kale oo lagu go'aamiyo bixinta qandaraaska taariikhdu markay tahay 8/02/2007.

Ka dib markay gudida farsamo darastay shirkasta arrimaha kala ah:
1.        Tayada qalabka
2.        Waayo aragnimada shaqaalaha, gaar ahaan farsamo yaqaanada
3.        qorshaha shaqo
4.        Lahaansha waraaqaha shaqada ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryayntu bixiso
5.        Qiimaha ay shaqada ku qabanayaan marka la barbardhigo ta uu u qoondeeyeey Injineerka Biriishka oo ahayd $1,241,671.00 oo la rabay in ay 10% ka sarayso ama ka hoosayso tan Injineerka biriishka

Haddaba, guddigii injineeradu waxay ku soo taliyeen in la siiyo qandaraaska shirkada wadaniga ah ee la yidhaahdo ADCON ka dib markay qodobada kor ku xusan kaga wanaagsanaatay labadii shirkadood ee kale.

Ka dib markii la soo gaba gabeeyay suallahii iyo jawaabihii laga bixiyay doorashada shirkadan wadaniga ah, waxa la go'aansaday in qandaraaska la siiyo shirda wadaniga ah ee ADCON. Waxase laga codsaday shirkada in ay soo gudbiyaa magacyadda injineerada mashruuca iyo goobta shaqada (Project manager and site engineer). Shirkaduna waxay balanqaaday in ay soo gudbinaso magacyadda injineerada ka hor inta aan la saxeexin waraaqaha qandaraaska.

Halkaasa lagu soo gabagabeeyay kulanadii la xidhiidhsanaa bixinta qandaraaska dhisida biriishka labaad ee Hargeysa. Iyadda oo shaqada dhisidda biriishka la bilaabayo bil ka bacdi marka la saxeexo heshiiska qandaraaska si ay shirkadu u diyaarsato qalabka shaqada lagu qabano sida heshiisku dhigayo.

Aadan Axmed Diirye, Gudoomiye, bidix iyo        
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Xubin, midig