Jamhuuriyadda Somaliland
Xeer Hoosaadka Guddida Dhismaha Biriijka Hargeisa Iyo Horumarinta Caasimadda.
A) Magaca Gudida: Gudida dhismaha biriijka Hargeisa iyo Horumarinta Caasimadda
B) Astaanta Gudida: Doox biyo socdaan iyo dhisme Biriij
C) Qaab Dhismeedka:
Tirade guud ee gudidu waa 17 xubnood oo ka kooban ganacsatada, culumaawadiinka, Odayaasha Magaalada, gudida maamulka waddooyinka qaranka (RoSAB), Duqa Caasimadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Hargeisa.
D) Masuuliyadda Gudida:
- Wacyigalinta guud ee dadweynaha reer Somaliland ee ku wajahan hawlaha dhismaha Biriijka iyo muhiimada uu u leeyahay shacbiga reer Somaliland dibad iyo gudaba.
- Soo ururinta dhaqaalaha looga baahan yahay dhismaha Biriijka.
- Furintaanka Sanduuqa (A/C) lacagta lagu ururiyo.
- Hubinta habka bixinta lacagta.
- Qandaraaska waxaa si wadajir ah u bixinaya gudida maamulka wadooyinka iyo gudida dhismaha biriijka.
- magaacabidda iyo xilka qaadida xubnaha gudida fulinta
- kormeerida hawsha biriijka
a. Super vision ka guud waxa leh wasiirka wasaarada hawlaha guud guryeynta iyo gadiidka.
b. Fulinta hawsha dhismaha biriijka farsamo ahaan waxa iska leh hay’adda wadooyinka Somaliland (SRA).
c. Gudidu waxay ay marwalba hubinaysaa iyagoo kormeer kusamaynaya habsami usocodka hawsha biriijka waxana gudida uga mas’uula gudida fulinta
- Ma banana hantida ay gudidu soo rururiso in loo isticmaalo arimo ka baxsan shaqada dhismaha biriijka iyo hawlaha la xidhiidha sida ku cad habka bixinta dhaqaalaha.
- hab dhaqanka iyo wada shaqaynta xubnaha gudidu sadexaad waxay salka ku haysaa is ixtiraam, ismaqal, wada tashi iyo is qancin.
- shirarka gudidu iyo codadkuba waxay ku ansaxayaan hal dheeri (simple majority)
- gudida fulintu waa halbawlaha socodsiinayo hawl maalmeedka shaqada gudida.
E) Gudida Fulinta:
Gudida fulintu waxay ka kooban tahay
- Guddoomiye
- Guddoomiye ku xigeen
- xoghayaha fulinta
- xoghaya dhaqaalaha (khasnaji).
- xoghaya xidhiidhka dibadda & Gudahaba (Laba xubnood)
F) Xilalka Gudida Fulinta:
Guddoomiye
a. waa guddoomiyaha Gudida guud iyo fulintaba.
b. wuxuu iskugu jeedhayaa shirarka gudida guud iyo fulintaba
c. wuxu la soconayaa hawlmaalmeedka hawsha biriijka
d. waa afhayeenka guud ee gudida guud iyo fulintaba .
e. Wuxuu saxeexayaa kharashyada loo baahdo ee ku saabsan howlaha dhismaha biriijka, iyadoo howsha dhismaha lagu salaynayo qiimaynta wax qabad ee ay soo gudbiso Hay’adda Wadooyinku (SRA).
Guddoomiye Ku-Xigeenka
a. guddoomiye xigeenka wuxuu qaban karaa hawsha guddoomiyaha marka uu maqan yahay iyo wixii hawl uu u igmado guddoomiyuhu.
Xoghayaha Fulinta
a. Isku xidhista gudida guud iyo fulintaba (correspondence)
b. Kaydinta xogta gudida
c. Diyaarinta warbixinta guud .
d. Qorista go’aanada shirarka (minutes of meeting)
e. Diyaarinta qorshaha wacyigalinta guud sida diyaarinta goobaha , mawduuciyada laga hadlayo iyo xiliyadaba.
Xoghayaha Dhaqaalaha
a. Diyaarinta kulamo dhaqaale ururin iyadoo lagu salaynayo awoodaha dhaqaalaha (catogaries) ee ganacsatada iyo dadweynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba
b. la socodka xisaabaadka si joogto ah iyo diyaarinta warbixinta guud ee xaaladda dhaqaale.
c. La saxeexidda guddoomiyaha hadba kharashka loo baahdo.
Xoghayaha Xidhiidhka Dibadda & Gudahaba (Laba xubnood)
a. Samaynta iyo maamulka Website u gaar howsha dhismaha biriijka
b. La xidhiidhka jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dibadaha iyo wacyi galintoodaba.
c. U gudbinta gudida hadba war bixinta jirta ee ku saabsan hawlaha dibadda.
G) Ilaha Dhaqaalaha
Dhaqaalaha Biriijka wuxuu ka imanayaa
- Dawladda dhexe.
- dawladaha hoose ee gobolka
- ganacsatada
- dadweynaha
- jaalliyadaha dibadda
- hay’adaha aan dawliga aheyn
H) Habka bixinta dhaqaalaha
- dhaqaalaha la ururiyey ee tabaruca ah waxa lagu bixin karaa dhismaha biriijka iyada oo la raacayo codsiga qandaraaslaha (IPC) ee ay soo cadaysay hay’adda wadooyinku (SRA).
- dhaqaalaha ay dawlada dhexe ugu talagashay dhismaha biriijka waxa la waafajindoonaa qaab xisaabeedka dawladda
- dhaqaalahan waxa lagu bixin karaa kharashyada xafiiska, kulmada dhaqaale ururinta ama safarada loo baahdo gudo iyo dibadba.
I) Ansixinta Xeerka
- Aadan Axmed Diirye Gudoomiye
- Sheikh Xassan C/salaam Sheekh Cali Gudoomiye ku Xigeen
- Eng.Xusseen Cabdi Cali Xog. Fulinta.
- Khaliil C/laahi Axmed Xog. Dhaqaalaha (Khasnaji)
- Maxamed Shukri Sugaal Xog. Arimaha Dibadda iyo gudaha.
- C/laahi Ismaciil Cali Xog. Arimaha Dibadda iyo Gudaha
- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir Xubin
- Sheekh Maxamed Aadan Xubin
- Xaaji Cabdi Xusseen (Cabdi Warabe) Xubin
- C/laahi Cali Xayd Xubin
- C/laahi Maxamuud Axmed (C/laahi Nijaar) Xubin
- C/risaaq Sheekh Aadan Xubin
- Xusseen Cumar Muuse Xubin
- C/raxmaan Faarax Sugaal. Xubin
- Eng.Xusseen Maxamed Jiciir Xubin
- Dr. Farxaan Liibaan Axmed Xubin
- Suldaan Axmed Daahir Muuse Xubin