KU SOO DHAWAADA BIRIIJKA CUSUB EE HARGEISA
 
 
Baaq Ku socda dhamaan Dadka Reer Somaliland

Muwaadin

Maskaxdaada iyo Muruqaaga

Garaadkaaga iyo Gacantaada

Ayaa Horumarka Dalku ku Jiraa

Mudane: sida aynu wada Ogsoonahay, Raxmaadkii Gu' ee Da'ay April 2005, Khasaarihii ay geysteen  waxaa ka mid ahaa uguna muhiimsanaa Biriijkii labaad ee Hargeisa  ee Caasimadda (sibidhlaydii) oo uu dhamaantii daadkii qaaday, iyo kii waynaa ee Faras-magaalaha Caasimadda oo dhaawac gaadhay. taasina waxay muujinaysaa in haddii Raxmaadkii oo kale Da'aan (Raxmaanku waa sidaynu Illaahay ka TuugaynoNuqsaan la'aane). ay suurta gal tahay in dhibaato intaa kabadani iman karto, Alle kama yeelee.

haddaba si arrintaa looga gaashaanto, waxaa shir isugu yimi Xukuumadda, Culumadda ,Ganacsatada, iyo wax garadka dagan Caasimadda .warbixin tilmaamaysa in hay'adihii caalamiga ahaa hungo lagala kulmay ka dib, waxa la go'aansaday.

1- in reer Somaliland isku tashadaan, meel kasta oo ay joogaan si ay Dalkooda u horumariyaan.

2- in Guddi loo saaro wax ka qabashada arrintan iyo Guud ahaanba horumarinta caasimadda, Guddidaas oo ka kooban Culimada,   Ganacsatada, waxgaradka, hay'adda waddooyinkaQaranka, Guddoomiyaha G/ Hargeisa iyo Duqa caasimadda.

3- inay u madax banaanaato hawsheeda.

4- waxaa loo bixiyey Guddida Dhismaha Biriijka Hargeisa iyo Horumarinta Caasimadda . waxaanay ka kooban tahay 17 xubnood

Muwaadin hordhacaa iyo warbixintaa kooban ka dib. anaga oo aaminsan isku tashiga iyo iskaashigu inay yihiin tiirarka ay ummadi horumar ku hanan karto, kuna gaadhi karto himiladeeda Baryada iyo baraarug la'aantuna ay yihiin Astaanta dibu dhaca waxaanu kula socodsiinaynaa si aad waajibkaa wadaniga ah een Aakhiro iyo Aduun toona kaa lumayn u gudato, in aad wixii talo iyo tusaale ah ama Gacan iyo wax tar ah aad ku soo hagaajin karto Canaawiintan iyo Accounts kan hoos ku qoran.

E-mail :   biriij@hotmail.com                     Account: Dahab shiil :  D7450

Telesom: 002522 511411                          Bank Of Somaliland  :US Dollar A/c No. 149

Telcom:  002522 300056                           Somalilan shilling A/c  No.     335

Xoghayaha Arrimaha Dibada & Gudaha Cabdillaahi ismaciil Cali (Cirro)  +2522 424440

ahna Gudoomiyaha Gobolka Hargeisa

Xoghayaha Arrimaha Dibada & Gudaha Maxamed shukriJamac   Tell: +2522 426199

Xoghayaha Maktabka:   Cabduraxmaan Cumar Siigo 002522 410747

Ayaa ku guuleystey qandaraaska Dhisida Biriishka?
ka akhri halkan